Wiil uu dhalay Deby oo loo magacaabay Hoggaamiyaha dalka Chad

Madaxweynihii dalka Chad, Marshal Idiris Denby Itno ayaa lagu dilay dagaal ay Ciiddanka Dowladda la galeen Falaago Mucaarad ah oo lagu magacaabo The Front for change and Concord (FACT) oo uu taageero Taliyaha gadoodsan ee Khaliifa Xaftarka Libiya.

Afhayeenka Milliteriga dalkaasi oo ka hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Jiidda hore ee Dagaalka.

Madaxweynaha Chad oo 68 jir ahaa waxa markii lixaad loo doortay xilka Madaxweynaha, isagoo Talada dalkaasi hayey tan iyo sanadkii 1990-kii.

Fallaagada lagu magacaabo FACT waxay kaabiga ku soo hayaan caasimada dalkaasi ee N’djemena.

General Mahamat Kaka, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii muddada dheer maamulayay Chad Idriss Déby, ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha waddanka, wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa afhayeenka ciidanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor