Qaramada Midoobay oo Cambaareysay Weerarkii Al Shabab ay La Eegteen Shaqaalaheeda

Wakiilka gaarka Ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Nicklos Kay ayaa Cambaareeyay Weerarkii Qaraxa ahaa oo ay Al Shabab Maanta la eegteen Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay.

Nick Kay oo hadal kooban ku soo qoray Bartiisa Twitterka ayaa sheegay inuu Cambaareynayo Weerarkii Saakay Al Shabab ay la eegteen Kolonyo ay la socdeen Shaqaale Ka Tirsanaa Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha Ee FAO.

Weerar oo ahaa Qarax lagu Xeray gaariga ayaa sababay Dhimashadda ku dhawaad 10 ruux oo ay ku jiraan 6 Qaramadda Midoobay u shaqeynayay iyo Arday.

Dadka dhintay waxa ku jiray Seddex qof oo ajaanib ah oo u kala dhashay Kenya iyo Afganistan sida ay Wararka sheegayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor