Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho waxaa Maanta ka dhoofay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya isaga oo ku wajahan Magalada Baydhabo.
Wasiir Cabdi Casiis lafta Gareen ayaa ah sida an Wararka ku heleyno musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay xilligaan u taagan yihiin musharixiin farabadan.
Wararka qaar oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in lagu wado in uu iska casilo xilka wasiirnimo maadama uu yahay musharax Madaxweynaha koonfur Galbeed.
Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa 23kii Bishii April waxa uu iska casilay xilka Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,isaga oo u tartamay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Bil kadib ayaa Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) waxaa loo Magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya,iyada oo uu dhawaan u tartami doono xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Hoos Ka Daawo Sawirrada wasiir lafta Gareen oo ka dhoofay Muqdisho.