Waxaa goordhow Xarunta Golaha Shacabka ka furmay kulanka 16-aad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,waxaana goobjoog ah kulanka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.
Sidoo kale kulanka waxaa soo xaadirtay 147 xildhibaan,
Kualnka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu Ajendihiisu yahay Seddex qodob oo kala ah.
Aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka sbarciga hanti dhowrka guud ee Qaranka.
Qeybinta, aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.
Qeybinta wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.