Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayay wasiirka Arrimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle.
Wafdiga oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle waxaa garoonka Diyaaradaha Buulo-Burde kusoo dhaweeyay Mamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Ujeedada wafdiga wasiirka Arrimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle ee degmada Buulo-Burde ayaa lagu sheegay in uu ka qeybgeli doono munaasad uu xilka kula wareegayo Guddoomiyaha Cusub ee degmadaas Cabdicasiis Cabdulaahi Duurow kadib markii xal laga gaaray khilaaf halkaasi ka jiray.
Sidoo kale waxaa uu Wasiirku haatan kulamo kala duwan la leeyahay Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Buulo-Burde,iyaga oo ka wada hadlaya sidii mashaariic kala duwan looga hirgelin lahaa degmadaas.