Xubnaha Guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hataan uu kulan uga socdaa Magalada Muqdisho,kaas oo ay uga hadlayaan arrimo dhowr ah.
Kulanka waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi,waxana ay uga hadlayaan qodobo ay ka mid yihiin.
Safarkii Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Kismaayo iyo Turkiga,Ansixinta hadal qoraalkii fadhigii 10aad ee guddiga joogtada ah, iyo , diyaarinta ajendaha kulanka 13aad ee golaha aqalka sare.
Geba-gabada Kulanka Aqalka Sare ee Maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim,sidoo kalena Guddoomiyaha Aqalka Sare uu Xubnaha warbixin kasiin doono safarkiisii.