Waxaa guud ahaan Maanta lasoo afjaray khilaaf dhinaca maamulka ah oo ka taagnaa degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan,kaa soo ka dhashay kadib markii Maamul Cuusb loo Magacaabay degmadaas.
Degmada Buulo-Burde waxaa Maant gaaray wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle,waxaana uu xilka ku kala wareejiyay guddoomiyaha Cusub ee degmadaas iyo guddoomiyihii xilka laga qaaday.
Munaasabad kooban oo lagu qbatay degmada Buulo-Burde ayaa waxaa xilka kula wareegay guddoomiyaha Cusub ee degmadaas mudane Cabdicasiis Cabdulaahi Duurow.
Qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Buulo-Burde iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa goobjoog ka ahaa munaasabada xil wareejinta.