Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska 14-Ka October ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu xusayo dadkii ku dhintay Xasuuqii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho sanadkii 2017-dii oo Maanta laba sanno ka soo wareegtay.
Munaasanadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ugu horeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish,Culimo Soomaaliyeed, Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo boqlaal shacab ah.
Dadka goobta ka hadlay waxaa qeyb ka ah Ayaan Maxamed oo kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed islamarkaana ciidamada qalabka sida ee qaranka ku biirtay kadib dhacdadii 14-October 2017 lagu xasuuqay kumanaan shacab.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab waxa ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah ula dagaalamaan Al-shabaab.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo fagaaraha isgooska 14-October Ex-Soobe kula hadlay kumanaanka ee qof ee isku soo baxay ayaa waxa uu sheegay in dhaxdadii goobtani ka dhacday laga bartay waxyaabo Cusub.
“14 October waa maalin gaar ah oo uur kutaala ku reebtay umada Soomaaliyeed waalin aan ka go’aynin quluubta dad yowga Soomaaliyeed waa maalintii ay Al-Shabaab ay si bareer ah u xasuuqeen dad shacab ah oo tiradoode kor u dhaaftay kun qof kuwaas oo aan waxba galabsan islamarkaana ku mashquulsanaa howl maal meydkooda caadiga ah.
2-Sano kadib ayaa isgooska 14-October Ex-Soobe waxaa isugu soo baxay kumanaan dadweyna ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo kulan baroora diiq ah oo ay ugu duceynayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee lagu dilay isgooskaasi iyadoo dadweynaa isku soo baxay gacmaha ku siteen baroor ay ku xardhan yihiin eraya ay ugu dhii dhinaaya falalka gurcan oo ay argagixisada uga soo horjeedaan jiritaanka Soomalinimada iyo horumarka dalka ka socda”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish.