Qarax khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhex dhacay Xarun Degmo ka tirsan G/Banaadir

Faah faahino ayaa laga helayaa qarax gaari oo Maanta ka dhex dhacay gudaha Xarunta degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir, kaasi oo geystay khasaaro dhaawacyo ah oo gaaray Nin qaraxaas loogu xiray gaariga iyo qof la socday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ku warrameen in gaariga uu qarxay, markii uu gudaha u galay Xarunta degmada Deyniile, waxaana jugta qaraxa laga maqlay xaafaddo badan oo kamid ah degmadaas, kadibna waxaa ay xigtay rasaas badan oo ay fureen Ciidanka amniga.

Inta la xaqiijiyay laba qof oo mid uu ahaa darawalka gaariga qarxay oo lagu magacaabo Cabdisamad Cabdiwahaab ayaa ku dhaawacmay qaraxa, iyagoona durbadii loola craray mid kamida Xarumaha caafimaad ee ku yaalla Muqdisho.

Maamulka degmada Deyniile iyo laamaha amniga magaalada Muqdisho ayaan ka hadlin qaraxan ka dhacay degmada Deyniile, waxaana Maamulka degmada laga soo xigtay inay wadaan baaritaano ku aadan qaraxii dhacay.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca gudaha xarunta degmada Deyniile, waxaana horey qaraxyo miino uga dhaceen laamiga dheer ee aada xarunta degmadaas, kuwaa oo lala beegsaday saraakiil iyo mas’uuliyiin kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor