Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose marti qaad ugu sameeyay Martidii ka qaybgashay Munaasabada Caleemo-saariisa.
Madaxda Martiqaadka loo samneeyay ayaa waxaa kamid ah Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud,Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Sidoo kale Wafduud Axmed Madoobe uu marti qaadka ugu sameeyay ayaa waxaa ku jiray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan C/Shakuur Warsame iyo xubno kale,kuwaasi oo Kismaayo uga qeyb galay Xaflada lagu Caleemo-saarayay Madaxweynaha Jubbaland.
Ugu dambeyntii Madaxdan ayaa Axmed Madoobe uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu u qaabiley,isla markaana duleedka Kismaayo ugu sameeyay marti qaad heerkeedu aad u sameeyay.