Waxaa Goordhow Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Shirka dowladda Federaalka, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirka Madaxda ayaa waxaa looga hadlayaa hanaanka doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan dhammaandka sanadkaan 2020/2021, isla markaana waxaa uu shirkaas saldhig u yahay heshiiskii Dhuusamareeb-3.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir guddoominaya shirka Madaxda, waxaana ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kulamo gooni gooni ah ku yeeshay Madaxweyneyaasha Hirshabeelle, Puntland iyo Koonfur Galbeed, iygaoo ka wada hadlay arrimo kala duwan, sidoo kalena xaliyay khilaaafyo ka dhex-jiray.