Faah faahin kasoo baxeysa Israsaaseyn ka dhacday duleedka Gaalkacyo

Wararka laga helayo Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in barqanimadii Maanta halkaas Israsaaseyn kooban ku dhexmartay Ciidanka amniga Puntland iyo rag hubeysan.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in Israsaaseynta ay ka dhacday deegaanka Xero-Jaale ee galbeedka Gaalkacyo, waxaana ay timid, kadib markii Ciidanka Puntland oo doonayay inay qabtaan ruux baxsabad ka ahaa ay ka hor istaageen raggii hubeysnaa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka uu ku geeriyooday Israsaaseynta dhexmartay Ciidanka amniga Puntland iyo ragii hubeysnaa oo la sheegay inay maleeshiyaad yihiin.

Intaas kadib Ciidanka amniga ayaa la tilmaamay inay dib ugu laabteen Magaalada Gaalkacyo oo markii horey ay kasoo baxeen, waxaana haatan xaaladda deegaanka Xero-Jaale ay tahay mid degan.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa marar badan ay dagaalo ku dhexmareen ciidanka amniga Puntland iyo rag hubeysan oo qaarkood ka ganacsanayay maandooriye, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media