Maxaa sababay diyaaradii shalay ku burburtay Garoonka Baladweyne?

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa duhurnimadii shalay waxaa ku burburtay diyaarad nooca xamuulka qaado ah, taasi oo kasoo duushay dalka Jabuuti.

Xog-dheeraad ah ayaa laga helayaa waxa sababay burburka diyaaradaas oo siday raashin Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay ugu tala galeen dadkii ay saameynta ku yeesheen daadadkii Baladweyne.

Kabtanka guud ee diyaaradii ku burburtay Garoonka diyaaradaha Baladweyne Xuseen Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu faah faahin ka bixyay sababta keentay in diyaaradaas burburto.

Waxaa uu sheegay Xuseen Maxamed in diyaaradda oo Cunto u siday AMSIOM xili dooneysay inay ku degto dhabaha ay cagadhigtaan diyaaradaha uu mar qura soo galay dhabaha Dameer socday, uuna duuliyihii diyaarada ka leexin waayay, sidaasna ay ku burburtay.

Sidoo kale Kabtanka ayaa waxaa uu sheegay in shilkaas diyaaradeed uusan ka dhalan Khasaaro nafeed, hayeeshee uu jiro mid hantiyadeed, kadib markii gebi ahaan ay burburtay diyaarada uuna xiligaas ka kacay dab xoogan.

“Diyaaradda waxay aroortii hore ee shalay kasoo baxday Jabuuti, iyadoo soo dageysa waxaa dhabaha cagadhigashada soo maray Dameer oo ay ku dhaceen, taas waxay sababtay in ay dhabaha ka leexdaan, balse dhamaan shaqaalihii la socday waa ay caafimaad qabaan”ayuu yiri Xuseen Maxamed.

Ugu dambeyn Kabtan Xuseen ayaa waxaa uu sheegay in shaqaalihii la socday diyaarada ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo loo qaaday Magaalada Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu daaweyo.

Diyaaradaas ku burburtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Ugaas Khaliif ayaa ka ka diiwaan gashan dalka Kenya, iyadoona Cunto u siday Ciidanka AMISOM, waxaana laga badbaadiyay diyaaradda sadax ruux oo saarnaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media