Wafdi ka socda 11dal ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho,wafdigaas ayaa waxaa casuumay Jaamacadda Imaamu-shaafici oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan Xaafada Siigaale.
Sida la sheegay waftigaan ayaa maalinka beri ah shir uga furmi doonaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo ay qabanayaan jamaacaddan ayna iskugu imaanayaan culumo & Aqoonyahano & ilaa heer Caalami ah oo ka kala socda daafaha caalamka.
Wafdigaan ayaa waxa ay ka kala socdaan ilaa 11 dal Waxayna kala yihiin.
1- Dr – safwaan ( dalka Jordan)
2- Dr – mascuud axmed ( UK ).
3- Dr – axmed shaxaat ( masar)
4- Dr – maxamed xuseen ( turkiga).
5- Dr faatix qariibulaah ( neejeeriya).
6- Dr – maslami kamaal ( suudaan)
7- Dr – Anas alciisawi ( ciraaq)
8- Dr – bilaal calaa ( lubnaan)
9- Dr- tawfiiq luuri ( marooko).
10- Dr – khaliil loox ( sinigaal).
11- Dr – ismaaciil qaari, ( aljeeriya)
Wafdigan waxaa soo dhaweeyey Khaliif C/qaadir Macalin Nuur Wasiiru dawlaha Madaxtooyada oo ah aas-aasaha jaamacadda Imaamu-shaafici.