Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa maalmo kadib Maanta dib ugu laabtay Madaxweynaha Dowlad gobooleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan koonfur galbeed oo ugu horeeyo Kusimaha Madaxweynaha a koonfur galbeed ahna wasiirka Beeraha iyo waraabka maamulkaasi Maxamed Xasan Fiqi iyo masuuliyiin kale.
Shariifka ayaa intaasi ka dib ayaa waxaa la geeyay xarunta Madaxtooyada maamulka koonfur galbeed,isaga oo kulan la qaatey Gollaha wasiirada maamulka iyo Xildhibaanada iyo saraakiisha ciidamada intaba.
Ugu horeen Madaxweyne Shariif Xasan  ayaa ka tacsiyadeeyey shacabkii ku dhintey Qaraxii ka dhacay Degmada Walaweyn ee gobolka Sh/hoose ,isaga oo Alle uga baryay in uu u naxariisto.
Hoos Ka Daawo Sawirada soo dhaweyntii Shariif Xasan Sheekh Aadan.