Dhageyso:-Qodobadii ay ka wada hadleen Michael Keating & Madaxweynaha Puntland

Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Ergiga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyagoo xarunta Madaxtooyada ku yeeshay kulan looga hadlayey Arimaha Soomaaliya.

Xilli dhawaan Madaxweynaha Puntland uu sheegay in Arimaha Federalka la marin habaabiyey ayaa maanta shir ku saabsan federalka iyo qaabkuu uga hirgali karo Soomaaliya waxaa ku wadda yeeshay magaalada Garowe Madaxweyne Gaas iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Waxyaalihii kale ee ay ka wadda hadleen labada Masuul waxaa kamid ahaa Amniga guud ahaan dalka Soomaaliya iyo Xiisadaha kasoo Cusboonaaday Soomaaliland iyo Puntland sidii hormar looga gaari lahaa waxaana sidoo kale ay soo hadal qaadeen Amniga Magaalada Gaalkacyo oo ay sheegeen inuu soo hagaagay kadib markii ciidamada dawlada federalka Soomaaliya ay ka hawlgaleen.

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramadda Midoobey arimaha Soomaaliya Mudane Michael Keating ayaa soo hadal qaaday Amniga gobolka Mudug oo uu sheegay in laga soo kabanayo Colaad muddo kasoo taagnayd.

Hoos Ka Dhageyso Shir Jaraa’id oo ay Siwadajir ah uwada qabteyn kadib kulankooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media