Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah Dhallinyarada Gaalkacyo.
Kulanka uu qaatay Ra’iisul Wasaare Kheyre qaar kamid ah Dhallinyarada Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowladda iyo kuwa Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu Dhallinyarada Gaalkacyo kala hadlay dowrkooda dib-u-dhiska Galmudug loo dhanyahay iyo sidii looga shaqeyn lahaa nabadda Gobolka iyo arrimo kale.
Sidoo kale inta uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kulamo kale ka qaadan doonaa Waxgaradka iyo qaybaha bulshada ku dhawan halkaas ku dhaqan.