Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jalalaqsi oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa Waxaa ka Dagtay diyaaradii ugu horreysay oo rakaab sidda, iyadoo xaaladda degmadaas lasoo sheegay inay soo hagaagayso.
Diyaaradan oo ah kuwa yar-yar ayaa Waxay ka duushay Garoonka Muqdisho, Waxaana halkaas ay geysay dad shacab ah, Arintan ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey shacabka ku nool Degmada jalalaqsi
Rakaabkii Tagay Degmada Jalalaqsi ee la socday Diyaaradda ayaa waxay qaarkood ahaayeen kuwo aan degmadaas tagin sannadihii aynu kasoo gudubnay, Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa sheegey in arintan ay tahay Guul usoo hoyotay shacabka ku nool degmadaasi
Jalalaqsi Waa Magaalo ay Xiran yahiin Wadooyinka Soo gala iyo kuwa ka baxo Degmadaasi waxaana tani sahleeysa in gar gaar la gaarsiiyo shacabka ku Nool Degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.