Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Goordhow waxaa gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo.
Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ayaa waxaa Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre iyo wafdiga la socday kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle,Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan halkaas.
Ujeedka uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle u gaaray Baladweyne ayaa waxaa ay tahay sidii uu qeyb qaadan lahaa dhameynta xiisada weli u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay ee Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Sidoo kale inta uu halkaas ku sugan yahay Sheekh Cismaan Barre ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Yuusuf Dabageed iyo Odayaasha dhaqan Gobolka,isagoona kala hadla doono sidii loo xal looga gaari lahaa Khilaafka mudada dheer ka taagan maamulka Gobolka Hiiraan.
Magaalada Baladweyne ayaa waaa horey u gaaray Wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka,Xildhibaano ka tirsan dowladda iyo Mas’uuliyiin kale kamid ah labada Golle ee Hirshabeelle,kuwaasi oo isku dayay xalinta Khilaafka Yuusuf Dagabeed iyo Madaxweyne Waare,hayeeshee waxaa ay ku fashilmeen sida la sheegay welina xal lagama gaarin arrimahaas.