Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeerka shaqo uu Maanta ku tagey xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib uu dhiska xukumadda Soomaaliya Ayaa waxa Ku So Dhaweyaay Wasiirka Wasaradda Eng Saadaq Cabdi Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaradda iyo Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaradda Howlaha Guud,Waxaana Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha uu ahaa mid u kuur galayay qaab howlleedka shaqo ee Wasaaradda ka socda.
Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaarada Howlaha guud oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha Wasarada inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.
Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa horay u booqday Xarumaha dhowr Wasaaradood o oak tirsan Golihiisa Wasiirada,isaga oo sheegay in uu qeyb ka yahay isla xisaabtanka dowladda.