Sawirro:-Rag ka Ganacsanayey Maandooriyaha Xashiishka oo Gacanta lagu dhigay

Magalada Kismaayo ee Xarunta dowlad Goboledka Jubbaland waxaa Maanta lagu soo bandhigay Rag lagu soo qabtay in ay ka Ganacsanayeen Maandooriyaha Xabsiishada.

Howlgal Ciidamada Booliska Jubbaland ka sameeyeen Magalada Kismaayo ayaa waxa ay ku soo qabteen laba Nin oo Gacanta kula jiray ka Ganacsiga Maandooriyaah Xashiishada.

Saraakiil ka tirsan Booliska Jubbland oo goobjoog ka ahaa Goobta lagu soo bandhigay Raggaas ayaa waxa ay sheegeen in dhawan Maxkamad la soo taagi doono si cadaalad ay u helaan.

Horay ayaa dhowr Ciidamada Booliska Jubbaland waxa ay Gacanta ku dhigeyn Rag isticmaalayey,isla markaana ka Ganacsanayey Maandooriyaha Xashiishka.

Hoos Ka Daawo Sawirada Ragga la soo qabtay.

Sponsered

Comments
Loading...