Guddiga Gurmad Qaran ayaa waxa ay Maanta Deeq Bajaajyo ah ku wareejiyeen ehelada dadkii ay Waalidiintooda ku geeriyoodeen qaraxii ka dhacay 14, Bishii Octooper Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Deeqdan Bajaajta ah ayaa sigaar ah waxaa loogu wareejiyay dadkii Ganacsiga ku lahaa agagaarka zoobe oo Hooyooyinkood iyo Aabayashod ay ku dhinteen qaraxaas isla markaana ay Biili jireen.
Lacagta lagu iibiyay deeqdaan ayaa waxa ay guddigu sheegeen in ay ka timid Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Australia gaar ahaan Magaalada Melbourne, waxaana Wakiil Ka ahaa Mohamed Hassan.
Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in dadkaan Bajaajta ay nolol Maalmeedka qoyskooda ay ku maareyn doonaan maadaama dadkii Biili jiray ay qaraxaasi ku geeriyoodeen.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Deeqda Bajaajta ah.