Saraakiisha Caafimaadka ee dalkaasi ayaa sheegay in Nin isku xiray waxyaabaha qarxa uu saakayto isku qarxiyey Xarun laga diiwaan gellinayey Dadka u codeyn doona Doorashadda Barlamaanka oo dhici doonta bisha Octobar 20-da ee sannadkan..
Ku-simaha Taliyaha Boliska Kaabul, Maxamed Daa’uud Amiin ayaa sheegay inuu qaraxaasi ka dhacay albaabka weyn ee laga galo Xarun laga bixiyo Waraaqaha Aqoonsiga oo ku taalla Degmadda DASHTE BARJI ee Galbeedka Kabul.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee AMAQ ayaa sheegtay inay iyagu mas’uul ka yihiin Is-qarxinta saakayto ka dhacday magaalladda Kabul.