Guddiga qaban qaabada Caleema-saarka Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wafdi kooban oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay wasiiro iyo xubno ka tirsan Guddigaan iyo maamulka Caasimada.

Ujeedada imaanshiyaha guddigan ayaa ah qiimeyn iyo sahmin tasiilaadka loo baahanyahay iyo goobaha loo diyaarinayo dajinta martida balaaran ee kasoo qeybgalaysa munaasbadda caleemar saarka.

Guddiga ayaa la kulmi doona madaxda Galmudug si ay ugu dhawaaqaan xilliga munaasbada caleema saarka la qabanayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media