Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Warar la helayo ayaa waxaa sheegayaan in Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku tegayo Dhuusamareeb ay qeyb ka noqon doonaan Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa markii uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb Madax ka tirsan maamulka Galmudug oo halkaas ku sugan.

Wafdi horudhac u ah Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay gaaray Dhuusamareeb iyo Ciidamo Ilaalo u ah,isla markaana waxaa saakay aad loo adkeeyay amniga Magaalada,waxaana iska kaashanaya sugida amniga Ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwo ka tirsan Danab oo halkaasi la geeyay.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa safar dhanka dhulka uga baxay Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ay galbiyeen Ciidamo aad u hubysan oo ka yimid dhanka Gobolka Mudug, isla markaana waxaa xalay Xaaf uu ku hoyday deegaanka Godinlabe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media