Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Degmada Guraceel ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa socdaalka uu ku tegayo Guraceel ku wehlinaya qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo xubno kale oo ka tirsan Ilaaladiisa gaarka ah,waxaana la filayaa in halkaasi ay gaaraan gelinkii dambe ee Maanta.
Degmada Guraceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa gaaray wafdi horudhac u ah Safarka Ra’iisul Wasaaraha,isla markaana waxaa haatan degmadaas ka socota Qabanqaabada soo dhaweeyntiisa.
Ammaanka Guud ee Degmada ayaa Maanta si aad ah loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ilaalada gaarka ah ee Xasan Cali Kheyre iyo Ciidanka dowlad Goboleedka Galmudug.
Ra’iisul Wasaare oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa uu safaro kala duwan oo dhanka dhulka ah uu ku tegay deegaanada Cadaado,Caabudwaaq,Xeerale iyo deegaanka Huurshe,isagoo dhammaan dadka ku dhaqan deegaanadaas ka hadlay sidii loo dhisi lahaa Galmudug Mideysan.