Telefishinka Dowladda Iiraan waxa uu maanta sheegay inay Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan gacanta ku dhigeen Markab shisheeye oo Booyadle ah, kaasi oo la sheegay inuu tahriibinayey Shidaal.
Telefishinka Iiraan ma uusan sheegin dalka laga leeyahay Markabka ay qabteen ama dalalka ay u dhasheen Badmaaxiinta la socotay Markabkaasi.
Markabkaasi oo ay la socdaan 12 shaqaale shisheeye, waxaa ku raran hal million oo litir oo shidaal ah.
Dadka Iiraaniyiinta ee wax tahriibiya ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen Shidaalka uu waday Markabkaasi oo ku sii jeeday dal shisheeye oo aan la carabaabin.
Dhinaca kale, Markabka ay Iiraan qabteen ayaa u muuqday Markab laga leeyhay dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo Axaddii la soo dhaafay la waayey halkii uu ku dambeeyey.
Markabkaasi oo lagu magacaabo MT Riyah oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta waxaa Waaberigii hore ee maalintii Axadda lagu joojiyey meel ku dhowJesiiradda Qashiim ee Koonfurta dalka Iiraan, halkaasi oo saldhig u ah Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan.
Sarkaal ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka oo bilowgii isbuucan la hadlay Wakaalladda Wararka AP ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin inay Iiraan gacanta ku dhigtay Markabkaasi oo dhamaan qalabkii Isgaarsiinta ee ku xirnaa la wada damiyey, xilli uu marayey gacanka Cadmeed.