Boliska dalkaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin lagu eedeynayo inuu ka dambeeyey dab burburiyey qeybo ka mid ah Masjid ku yaalla magaalladda OREBRO oo qiyaastii 100 KM dhanka Galbeed kaga toosan  Caasimadda dalkaasi ee Stocholm.
Dembi-baare lagu magacaabo Lars Bergman ayaa sheegay inay Waaberigii hore gacanta ku dhigeen Ninka dabka qabadsiiyey Masjidka.
Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Masjidka oo lagu magacaabo Jamaal Lamxamdi waxa uu sheegay inay maalin murugo leh u tahay Muslimiinta ku nool magaalladda OREBRO iyo guud ahaan dalka Sweden.
Dalka Sweden waxa ku sii kordhayo falalka looga soo horjeedo Muhaajiriinta, waxaana dhowr jeer ka dhacay Weeraro ku dhisan Isir-nacaybka.
Bishii January, Kooxaha Islaam-nacaybka ee ku nool Sweden waxay dab qabadsiiyeen Masjid ku yaalla meel ku dhow caasimadda dalkaasi ee Stocholm.
Hoos Ka Daawo Sawirrada