Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay baaqii kas oo yeeray Axmed Madoobe ee ahaa in uu Gogol Nabadeed dhigayo Magaalada Kismaayo.
Waxa uu sheegay in hadalkaas uu soo dhaweynayo isaga oo ah Madaxweynaha Hir-Shabeelle isla markaana uu sugayo waqtiga rasmiga ah ee wadahadaldaas ay furmi doonaan uuna tegi doono Kismaayo.
Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday khilaafka soo kala dhexgalay Madaxda Maamulka Galmudug waxa uuna sheegay in dhisitaankii Maamulkaas dhibaato adag laga soo maray sidaas darteedna ay wanaagsan tahay in wax walba wadahadal lagu dhameeyo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Hir-Shabeelle