Sawirro:-Madaxweyne Mustafe Cagjar oo gaaray deegaan uu ku fatahay Wabiga

Madaxweyanaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Mustaxiil ee ka tirsan dowlad deegaanka.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa socdaalka uu ku tegay Mustaxiil waxaa uu ahaa mid ugu kuurgalayay xaaladda bulshada ku dhaqan halkaas ee uu sameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Sidoo kale Madaxweyanaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya  ayaa deeq gargaar ah gaarsiiyay dadii uu sameeyay fatahaada Wabiga ee kunool Degmada Mustaxil, waxaana deeqda ay isugu jirtay raashinka noocyadiisa kala duwan iyo Agabyo kale.

Intaasi kadib Mustafe Cagjar ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Bulshada  ku dhaqan halkaas, isagoona ka xog-wareystay xaalad guud ee deegaanka iyo saameynta Wabiga.

Degmada Mustaxiil ayaa waxaa ay tahay degmooyinka ku yaalla dowlad deegaanka, waxaana dadka halkaas kunool saameeyay fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media