Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay xiisada u dhexeeysa Ciidanka dowladda iyo Ahlusunna ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ka soo cusboonaatay deegaano ka tirsan Galmudug.
Cabdikariin Xuseen Guuleed oo War qoraal ah kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa dowladda iyo Ahlusunna ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka, isla markaana waxii is faham la’aan ah lagu xaliyo is faham iyo wadahal.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa sigaar ah dowladda Federaalka ugu baaqay inay ixtiraamto haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay la gashay Ahlusunna Waljameeca, tixgalisana dowrkii ay ku lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo difaaca deeganadaas.
Hoos ka Akhriso Baaqa Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Waxaan shaki ku jirin in colaad iyo is faham la,aan ay ka soo daaleen deegaanada Galmudug oo aysan u baahneyn colaad iyo dagaalo kale oo dhiig ku daato.
Colaadaha iyo is fahamdarida soo noqnoqday ee deegaanadaasna ay ka reebeen dadka reer Galmudug asaagooda dowlad gobaleedyada kale ee ku naaloonaya nabad, xasilooni iyo horumar dhan kasta ah.
waxaana ayaan dari ah in ayadoo lagu guda jiro geedi socodka maamul dhisidda Galmudug in xasarado iyo guluf colaadeed ay halkaas ka soo if baxaan kana aloosmaan.
Haddaba waxaan ugu baaqayaa labada dhinac ee Dowladda iyo Ahlu sunaba arimaha soo socda:
- In labada dhinac ay joojiyaan gulufka colaadeed iyo gacan ka hadalka, waxii is faham la,aan ahna lagu xaliyo is faham iyo wadahal.
- Dowladda waxaan si gaar ah ugu baaqayaa inay ixtiraamto haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay la gashay culumada Ahlu sunna, tixgalisana dowrkii ay ku lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo difaaca deeganadaas.
3 . Ururka Ahlu sunna waxaan ugu baaqayaa inaysan dib u cunin halgankoodii iyo xushmadii ay bulshada Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba u hayeen, ayna garwaaqsadaan in ay lagama maarmaan tahay inay ku milmaan nidaamka dowladnimo, oo aysan marnaba suurta gal aheyn is feer socodka nidaam dowladeed iyo urur hubeysan, waayo waa waxaan isla jaan qaadi karin.