Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda K/Galbeed iyo Hirshabeelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo howlo shaqo u jooga Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa qeyb galay  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxweynaha iyo masuuliyiintan heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo in wadajir loogu sii amba-qaado dadaallada dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoreynta deegaannada ay Alshabaab kaga  sugan yihiin Galmudug,Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ku sugnaa Madaxda dowlad Goboleedyada Galmudug,Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed,kuwaasi oo kulamo kala duwan ka qaatay Madaxda ugu sarreeysa dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media