Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dhawaan midawga yurub u soo magacaabay dalka Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez.
Kulankan ayaa ahaa mid soo dhawayn iyo isbarasho ah, waxaanu madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee deegaanada Somaliland iyo horumarka ka socda.
Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo ay ka mid ahaayeen arrimaha Doorashooyinka wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka, Mashaariicda horumarineed ee ay midawga yurub ka wadaan Somaliland sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa, waxa kale oo lagu lafo-guray wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu Madaxweynuhu u sheegay Safiirka Mowqifka ay Somaliland ka taagan tahay wada hadalo dhexmara labada dhinac iyo guud ahaan iskaashiga iyo wada shaqaynta midawga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya.