Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa maanta booqday fariisimaha Ciidamada XDS iyo Kuwa dib u xureynta deegaanka ay ku leeyihiin degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa socod kusoo maray xaafadaha kala duwan ee Magaalada, isagoo mid mid u booqday fariisimaha ciidamada qalabka iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ee halkaas ku leeyihii.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ciidamada iskaashanaya uga mahadceliyay guulaha muhiimka ah ee ay ka gaareen dagaalka lagula jiro dagaalamayaasha Al-shabaab, loogana saaray deegaano dhowr ah.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu bulshada ugu baaqay inay u istaagaan dagaalka lagula jiro Shabaab, dhanka kale Madaxweynaha ayaa kormeeray ceel biyoodka degmada Aada-yabaal.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ah ayaa maalmo kahor degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kala wareegay Al-shabaab oo ku sugnaa in ka badan 15-sanno.