Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmuudg Maxamed Shaakir Cali Xasan oo shalay markii ugu horeysay tagay Magalada Gaalkacyo ayaa la kulmay qeybaha kala duwna ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo.
Kulanka oo qabsoomay xalay ayaa waxa uu ahaa mid ay iska xog-wareysanayeen xaalada Magalada Gaalkacyo iyo safarka ay ku yimaadeen Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumadda.
Waxgaradka kulanka ka qeyb galay ayaa Madaxa Xukuumadda u sheegay in bulshada Gaalkacyo ay aad u tagersan yihiin Maamulka Galmudug,hayeeshee ay dalbanayaan in la xaliyo khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug.
Madaxweynaha Galmuudg Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmuudg Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Gaalkacyo waxa ay u tageen la kulanka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya.