Maalma kahor Madaxweynaha Maamulka Galmudug Garabka Magalada Cadaado waxa uu Magacaabay Xubno wasiiro ah,waxaana qaarkood soo baxaya in ay diideen xilalkii loo Magacaabay.
Wasiirada uu Magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Cabdiqaadir Qalab-Xoor oo ah Wasiirka Wasaaradda dekadaha ee Galmudug, balse Axmed Baasto uu markale xilkaasi u Magacaabay.
Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu isaga u aqoonsan yahay inuu yahay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
“Waxaan rabaa inaan halkana ka cadeeyo inaysan jirin xil wasiirnimo oo la ii Magacaabay,madaxweynaha kaliya ee Galmudug a jirana waa Madaxweyne Xaaf,waxaase nasibdaro ah in khilaafka Galmuudg ka jiro uu yahay habeen mugdi ah ayuu yiri Cabdiqaadir Qalab-Xoor.
Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug ayaa sababay in Maamulka Galmudug uu yeesho laba Madaxweeyne,Laba Guddoomiye Baaramaan iyo Xubno laba ah oo wasiiro ah,kuwaas oo kala degan Magaalooyinka Cadaado iyo dhuusamaeeb.