Sawirro:-Kulan deg deg ah oo Caawa u socdo Xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay Jawaari

Mid ka mid ah Hoteelada ku yaalla Magaalada Muqdisho waxaa Caawa kulan uu uga socdaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya gaar ahaan kuwii saakay mooshinka ka gudbiyay gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulankooda oo ah mid xasaasi ah ayaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in ay kulankooda ay ku sheegeen in ay ka laabteyn qodobadii ay ku eedeeyeen gudoomiye Jawaari kuwaas oo sababay in ay mooshinka ka gudbiyaan.

Kulanka oo weli socda ayaanan weli wax war ah lag helin,waxana la filayaa in ay saacadaha soo socda Go’aamo ka soo baxaan.

Mooshinkii ay Xildhibaanadaan saakay ka gudbiyeen gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa burburiyay Guddiga joogtada Golaha Shacabka kadib markii ay sheegeen in la waayay tiradii loo baahnaa oo ahaa 93 Xildhibaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media