Sawirro:- Kulan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Britain ee Somalia

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo arrimo la xidhiidha dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada, sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka.

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo uga mahadnaqay xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkaasi.

Dhiniciisa, safiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta Somaliland iyo  in la xoojiyo lagana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda geeska Afrika.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media