Human Rights Watch oo eedeymo culus u jeedisay Dowladda Somalia Alshabaab iyo Maamul gobaleedyada

Hay’addaasi oo Fadhigeeda dhexe ku yaallo magaalladda New York ee dalka Maraykanka waxay sheegtay in Colaadaha weli ka socda Somalia, Amni-xumida, Maqnaanshaha Badbaadada ee Dowladnimo iyo Xiisaha Aadminimada ay muujinayso Tacadiyada khalafsan ee lagula kaco dadka Rayidka Soomaaliyeed.

Hay’adda Human Rights Watch oo Fadhigeeda Dhexe ku yaallo magaalladda New York ee dalka Maraykanka waxay shalay soo saartay Warbixin sannadeedka Hay’addaasi ee sannadkan 2020-ka, taasi oo si weyn loogu muujiyey Tacadiyadda waa weyn ee ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay Caalamka sannadkii 2019-kii.

Warbixinta oo dhamaystiran ayaa lagu soo bandhigay Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee 90 Waddan oo ay ku jiraan 30 Waddan oo Afrikaan ah.

Warbixinta waxaa si gaar ah loogu soo bandhigay Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay 11 Waddan oo Afrikaan oo kala ah: Somalia, Ethiopia, Nigeria, Sudan, South Sudan, Maali, Mosambiik, Liibiya, Kaamiruun, Koongada Dimuqraadiga iyo Afrikada dhexe.

Warbixinta Human Rights Watch oo loogu magac daray Warbixinta Caalamka ee 2020-ka, waxaa lagu soo bandhigay Tacadiyadda ka dhanak Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay Somalia sannadkii la soo dhaafy.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in dad tiradoodu dhan tahay 2.6 million oo qof ay yihiin kuwo ku barakacay gudaha Somalia, kuwaasi oo badankooda nool iyagoo aan taageero helin, una nugul in loo geysto Tacadiyo.

Human Rights  Watch waxay soo xigatay soo qaadatay Warbixin Xafiiska Hawlgalka QM ee Somalia ee UNSOM diiwaan-geliyey, taasi oo lagu sheegay in 1,154 qof oo rayid ah waxyeelo dhimasho iyo dhaawacyo soo gaareen bartamihii bishii November ee sanaddkii hore, kuwaasi oo 67% waxyeelo kala kulmay weeraro iyo qaraxyo.

Warbixinta Human Rights  Watch ee sannadka 2020-ka waxaa lagu muujiyey in Somalia oo xubin ka noqotay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM bishii Janaayo ee sannadkii hore inay DF ay xilligaasi masaafuriyeen Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia, Nicholas Haysom, kadib, markii uu Qoraal ku muujiyey walaaca Xuquuqda Aadanaha ee falalkii ay DFS ka geysteen magaalladda Baydhabo.

Human Rights  Watch waxay kaloo sheegtay inaysan DF weli ansixinin Liiska xubnaha Guddigii ugu horeeyey ee  Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, isla markaana ay DF xilal sare u magacowday Shaqsiyaad geystay Tacadiyado aad u xun oo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, waa sida lagu xusay Warbixinta.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey Tacadiyo ay geysteen Ciiddamadda DF iyo Isbahaysiga la ah, iyadoo ay Ciiddanka DF gacan adag kaga jawaabeen dadweyne ka qeyb galayey Dibadbaxyo ballaaran oo Nabadeed.

Human Rights  Watch waxay xustay in bishii May ee sannadkii hore ay Ciiddanka Ammaanka ku dileen ugu yaraan hal qof Arday dibadbaxyo nabadeed ka dhigay magaalladda Beled-weyne, kadib, markii ay DF go’aamisay in dib loo dhigo Imtixaanaadka.

Warbixin Sannadeedka 2020-ka ee Human Rights Watch waxaa kaloo lagu soo qaaday in bishii December ee sannadkii 2018-kii muddadii ay socotay Tartankii Doorashada Madaxtinimada ee K/Galbeed ay Ciiddanka Ethiopia soo xireen Mukhtaar Roobow oo horey u ahaa Hoggaamiye ka tirsan Alshabaab, kaasi oo doonayey inuu u tartamo Madaxweynenimada Maamul-gobaleedka K/Galbeed.

Human Rights  Watch waxay sheegtay inay Ciiddanka Ammaanka hub u adeegsadeen dibadbaxyo looga soo horjeeday xarigii Mukhtaar Roobow, laguna dilay ugu yaraan 15 Dibadbaxayaal, laguna dhaawacay kuwo kale muddadii u dhexeysay bishii December 13-dii iyo 15-dii ee sannadkii 2018-kii.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Hay’adda kale ee Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ay diiwaan gelisay in Xubin ka tirsan Barlamaanka iyo ilmo yar lagu dilay Dibadbaxii Baydhabo ka dhacay bishii December 14-dii ee isla sannadkaasi, halka Tobaneeyo kale oo ay ku jiraan carruur la xabisay.

Warbixin-sannadeedka Hay’adda Human Rights Watch waxaa kaloo lagu sheegay in  Tobaneeyo qof oo ka tirsanaa DF, Saraakiisha Ammaanka, Ergooyinkii hore ee Doorashadda iyo Odayaal Dhaqameed ku luig lahaa Doorashadii 2016-kii la dilay, iyadoo ay Alshabaab sheegteen mas’uuliyada qaar ka mid ah dilalkaasi, waa sida lagu xusay Warbixinta.

Human Rights Watch waxay kaloo sheegtay  inay Maxkamadaha Milliteriga xukun ku ridaan Eedeysanayaasha lagu soo oogo Alshabaabnimo, iyadoo ugu yaraan 16 xukuno dilal ah la fuliyey muddadii u dhexeysay  bishii December 31-dii ee sannadkii 2018-kii ilaa bilowgii bishii November ee sannadkii hore, sida ay Hay’adda ka soo xigatay QM.

Warbixinta Human Rights Watch waxaa kaloo lagu soo qaaday inay Alshabaab xukuno dil ah ku fulisay dad ay ku eedeeyeen inay u shaqeeyaan ama ay Basaas u yihiin DF iyo Ciiddamada shisheeyaha, waa sida lagu xusay Warbixinta.

Warbixinta waxay QM ka soo xigatay in weeraro iyo Qaraxyo ay Alshabaab ka geysteen Muqdisho iyo Gobalka Sh/hoose inay sababtay geerida iyo dhaawaca in ka badan 750 qof oo rayid ah, waa sida ay Human Rights Watch sheegtay.

Warbixin-sannadeedka 2020 ee Hay’adda Human Rights Watch waxaa kaloo lagu soo hadal-qaaday in dhamaan qeybaha ku lugta leh colaadaha Somalia ay geystaan Tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, oo ay ku jirto dilal, dhaawacid iyo in Carruurta loo qorto Askarayn iyo inay ka qeyb galaan Dagaalladda.

DF iyo Maamul-gobaleedyadda waxaa lagu eedeeyey inay si aan sharci ahayn u xiraan Carruurta ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin Alshabaab, iyadoo marar badan carruurta lala xiririyo Alshabaab la soo taagay Maxkamadaha Milliteri.

Human Rights Watch waxay tilmaamtay inayDF ku guul-daraysatay in la sameeyo Garsoor u gaar ah Carruurta iyo dhallinyarada da’da yar, gaar ahaan carruurta lagu soo oogay inay Alshabaab la leeyihiin xiriir.

Warbixin sannadeedka Human Rights Watch ee 2020-ka waxaa kaloo lagu muujiyey Tacadiyada Kufsiga, iyadoo ay gabdhaha iyio Haweenka Barakacayaashakhatar ugu jiraan Kufsiga ay geystaan ragga hubeysan.

Warbixinta waxaa lagu xusay inay QM diiwaan-gelisay in ka badan 100 tacadi oo ka dhan ah Gabdhaha iyo Haweenka, waxayna tusaale u soo qaateen Falkii Argagaxa lahaa ee Caa’isha Ilyaas Aadan oo 12-jir aahayd, taasi oo afduub, kufsi iyo dil loogu geystay Waqooyiga magaalladda Gaalkacayo dabayaaqadii bishii Feberaayo ee sannadkii hore.

Human Rights Watch waxay kaloo ka hadashay Heerka Xorriyadda Hadalka ee Somalia, iyadoo sheegtay inay DF, Alshabaab, Maamul-gobaleedyadda, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland ay sii wadaan Tacadiyada loo geysto Suxufiyiinta.

Warbixinta waxaa lagu sheegay inay Maamulladda Soomaalida ay si naadir ah u baaraan Kiisaska dilalka ama weeraradda loo geysto Suxufiyiinta, iyadoo ay Maxkamadda Ciiddamadda ee magaalladda Muqdisho ay isagoo maqan xukun ilaa 5 sanno ah ku riday Sarkaal Bolis oo bishii July ee sannadkii 2018-kii dilay Sawir-qaade la oran jirey C/risaaq Qaasim Iimaan.

Warbixinta Human Rights Watch waxaa kaloo lagu xusay in Labo Saxafi oo la kala oran jirey Maxamed Sahal Omar iyo Hodan Naaleeye lagu dilay weerar ay Alshabaab ka geysteen Hotel ku yaalla magaalladda Kismaayo bishii July 12-dii ee sannadkii hore.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media