Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo la kulmay maamulka degmada Awdheegle ee gobolkaasi ayaa kala hadlay la shaqeynta Ciidanka xoogga.
Ibraahim Aadan Cali Najax oo La Hadley Warbaahinta dowladda ayaa Sheegay iney safar dhulka ah ku gaareen degmada Awdheegle oo dhowaan laga saaray Alshabaab.
Guddoomiyaha ayaa Sheegay in safarkiisa lugta ee ay ku gaareen degmada Awdheegle ay ku wehlinayeen guddoomiyaha degmada Awdheegle Maxmed Yarow, Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Genraal Odowaa Yuusuf raage ,Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar), Taliyaha qeybta booliska ee gobolka shabeelaha hoose Abdi dheere, guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka Cabdifataax Xaaji cabdulle iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolkaas.
Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada saraakiisha ciiidanka,isagoona bogaadiyay saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka dib loogu xoreynayay degmada Awdheegle iyo deegaanada kale.
ugu dambeyn guddoomiye Ibraahim Aadan Cali aya qeybaha kala duwan ee Shacabka gobolka ka codsadey inay soo dhoweeyaan ciidamada meel walba ay gobolka ka joogaan si looga adkaado dagaalamayaasha Al-shabaab.