Diyaarad rakaab ah oo siday in ka badan 70 Ruux ayaa markii ugu horeysay tan iyo burburkii dalka waxa ay ka degtay Garoomada Diyaaradaha Magaalooyinka Dhoobley iyo Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dadka diyaaradaas saarnaa ayaa waxa ay isugu jireyn Shacab iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Jubbaland,kuwaas oo si kala gooni gooni ah loo geeyey labada Magaalo ee Dhoobley iyo Afmadoow.
Diyaaradaas ayaa waxa ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,waxana masuuliyiinta Magaalooyinka iyo Dhoobley ay aad u soo dhaweeyeen tallaabada dib loogu furay labadaasi Garoonka.
Gudoomiyaha Degaanka Dhoobley Siyaad Xasan Uleex iyo Taliyaha Ciidanka amniga Dhoobley Haybe Axmed ayaa waxa ay sheegeen in isku tashiga dadka deegaanka ay hirgaliyeen amaan iyo hormaro ay kamid yihiin in dib loo Howlgaliyo garoonka dhoobley.
Dhinaca kale taliyaha amniga degmada Afmadow Aar sheekh Cali ayaa isna waxa uu sheegay in tani ay qeyb ka tahay horumarka uu garay Maamulka Jubbaland,isla markaana ay sii ballaarin doonaan.
Magaalooyinka Dhoobley iyo Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa horay uga dhacay dagaalo aad u xoogganaa oo dhex maray Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday iyo Ciidamada Jubbaland wallow hadda ay ka soo kabsadeen.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Diyaaradii Maanta tagtay Garoomada Dhoobley iyo Afmadow.