Sawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Saraakiil ka tirsan dowladda Holland

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisoow) ayaa Magaalada Amsterdam ee Caasimadda Holland kula kulmay Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Dalkaas.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn la kulmay ku-simaha Taliyaha Booliska Amsterdam Mr. A. W. (Pim) Jansonlus, isagoo kala hadlay sidii ay Gacan uga geysan lahaayeen qorshaha hirgelinta amniga Caasimadda, si looga faa’iideysto aqoonta ay u leeyihiin dhinacyada amniga.

Duqa Muqdisho, ayaa kala hadlay Saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Holland sidii ay ugu soo jeedsan lahaayeen arrimaha Soomaalya, gacana ku siiyaan Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta mashaariic horumarineed iyo xal-u-helidda arrmaha Barakacayaasha ku nool Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sidoo kale kulan muhiim ah la yeeshay Ururka Midowga Dawladaha Hoose ee Holland.

Dawladda Hoose ee Xamar iyo Dawladaha Hoose ee Holland ayaa isla gartay in la sameeyo xiriir iyo wada shaqayn joogto ah iyo sidii shaqaalaha Dawladda Hoose ee Xamar loo kordhin lahaa tayadooda aqoonta, si bulshada adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiiyo.

Duqa Muqdisho ayaa wada olole ku aaddan sidii caalamka looga gadi lahaa in maalgashi lagu sameeyo Caasimadda, si dhalinyarada Soomaaliyeed u helaan shaqo abuur.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media