Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Cumar Finish ayaa kulan gaar ah la qaatay ku-xigeenadiisa iyo sarakiisha ammaanka isaga oo ay dhinacyadiisa ay taaganyihiin ilaalo gaar ah oo ka badan kuwii ilaalin jiray AUN Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerar lagu qaaday xafiiskiisa.
Marka laga soot ago ilaalada dhinacyadiisa iyo gadaashisa taagan duqa Muqdisho waxaa jiray ilaalo kale oo xoog leh kuwaas oo la dhigay ilinka laga soo galo xarunta maamulka gobolka Banaadir waxaana uu u muuqdaa in wax badan uu iska bedelayo ammaanka xarunta dowladda hoose ee Xamar.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu weday in ilka la wareego habeen ka hor hase’ahate warar lagu kal soonaan karo ayaa xaqiijinaya in sababo amni dib loogu dhigay.
Dareen ammni oo xoog leh ayaa ka jira xarunta maamulka gobolka Banaadir waxaana su’aalo badan ay dul huwanayaan sida ay u wada shaqeyn karaan guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo saraakiisha iyo ciidamadii horay u joogay xarunta maamulka gobolka.
24- July ayay aheyd markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay hoolka lagu shiro ee xarunta gobolka Banaadir kaas oo ay ku geeriyoodeen guddoomiyaal degmo Agaasimayaal sidoo kalan ay ku dhaawacmeen masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo maalma kadib u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray.