Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta waxaa soo caga dhigatay diyaarad sida deeq gargaar ah, taasi oo ka timid dalka Jabuuti.
Diyaaradaan oo ay soo dirtay Dowladda walaalaha aan nahay ee Jabuuti ayaa siday deeq gargaar ah oo isugu jirta daawo iyo agab kale oo ah wajigii labaad ee gurmadka oo Jabuuti ugu talagashay dadka uu sameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.
Guddiga gurmadka Qaran ee fatahaadda ayaa la wareegay Gurmadka la keenay dalka, iyagoonka soo dhaweyn u sameeyay xubno ka tirsan dowladda Jabuuti oo diyaaradda la socday.
Dowladda Jabuuti ayaa shalay lacag gaaraysa lix boqol kun oo dollar una dhiganta boqol malyan oo lacagta Franka Jabuuti ah ugu deeqday Guddiga fatahaadaha, lacagtaas ayaa aheyd tii ugu badnayd oo Guddiga fatahaadaha soo gaartay.
Kumanaan ruux ayaa ka barakacay fatahaadaha ka jira magaalada Beladwayne iyadoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu kaalmeeyo qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha.