Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa Guddoomiyaha Cusub u magacaabay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wareegto ka soo baxay Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa Guddoomiyaha Degmada Afgooye loogu Magacaabay Ibraahim Cumar Qaasim (Carab),kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas.
Sidoo kale Wasiirka arimaha gudaha Koonfur Galbeed ayaa isla Wareegtada ku Magacaabay Xog-hayaha degmada Afgooye, waxaana laga dhigay Maxamed Cali Cadow.
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.