Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Wasiir Sabriye oo safar dhanka dhulka ku gaaray Matabaan ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmadaas, waxaana Safarkiisa qeyb ka ahaa Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.
Intaasi kadib Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ayaa kula la qaatay Odayaasha dhaqanka reer Matabaan, isagoona ka xog-warestay xaalada guud deegaanka.
Safarka Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye uu ku tegay Matabaan ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo Maanta duhurnimadii halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna, iyadoona halkaas ay isaga baxeen Ciidanlkii Ahlusunna eek u sugnaa.
Ciidamada dowladda ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iyadoona haatan uu ku sugan yahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka.