Wararka laga helayo Degmada Gambole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan degmadaas Saacadihii la soo dhaafay uu ka dilaacay Cudur aan la garaneyn,iyadoo dad badan ay u dhinteen,halka kuwo kalena ay u xuunsan yihiin.
Caudurkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dilaacay deegaan lagu magaacabo Cumarow Cali oo ka tiran Degmada Gambole,isla markaana waxaa uu u geeriyooday 7 ruux oo ka wada tirsan Hal qoys,kuwaasi oo kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale Cudurka ayaa waxaa haatan u xanuunsan 13 qof oo ka tirsan isla dadka deegaankaasi Cumarow Cali oo xubno qoyskaasi ka tirsan ku jiraan la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe.
7 ruux ee ka wada tirsanaa halka Qoys ayaa waxaa la tilmaamay in hal goob loogu sameeyay Aas Wadareed,kuwaasi oo u geeriyooday xanuunka aan la garaneyn.
Oday dhaqameed kaso jeedo deegaanka iyo Dhaqaatiir ayaa gurmad ku tagay deegaankasi,iyagoona dadka qaar Maanta loo soo qaaday goobaha Caafimaad eek u yaalla Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Arrintaan ay ugub ku tahay dadka deegaanka Cumarow Cali oo ka tiran Degmada Gambole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,isla markaana ay socdaa baaritaano xiriiro dhibaatada halkaasi ka dhacday .