Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu si kulul u cambaareeyey weerarkii iyo qaraxii shalay lala beegsaday Hotelka Madiina (Ex-Cascasey Hotel) ee Kismaayo, kaasi oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 26 qof, kuna dhaawacmeen tobanaan kale.
Stephane Dujarric oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, waxa uu sheegay inuu Antonio Guterres u tacsideynayo Qoysaska ay dadka uga geeriyoodeen weerarkaasi,wuxuuna caafimaad u rajeeyey dadka ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Hotelka Cascaseey ee magaalladda Kismaayo.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM waxa uu mar kale xaqiijiyey Taageeradda QM iyo Is-garab taagooda Ummadda Soomaaliyeed ee Mustaqbal Nabad buuxda leh.
Dhinaca kale, Dowladda Qatar waxay si kulul u cambaaraysay weerarkii iyo qaraxii lala beegsaday Hotelka Madiina ee magaalladda Kismaayo, halkaasi oo Murashaxiinta Doorashadda Madaxtinimadda Jubbaland deggan yihiin.
Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha ee dalka Qatar waxaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan wax kasta oo colaad hubeysan ah oo lala begsado dadka Soomaaliyeed.
Qarixii shalay lala beegsaday Hotelka Madiina ee magaalladda Kismaayo waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen 26-qof oo isugu jirta Soomaali iyo Ajaaniib, kuna dhaawacmeen 56 qof oo 2 ka mid ah u dhasheen dalka shiinaha.
Madaxaweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Madoobe waxa uu sheegay in weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotelka Madiina ay ku geeriyootay 26-qof oo ay ku jireen dad Shisheeye ah oo kala ahaa:Â 2 Maraykan, 2 Kenyan, 3 Tanzanian, 1 Canadian, 1 British.