Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Guryo ku yaalla uu ka kacay xoogan oo geystay Khasaaro kala duwan.
Dabkaas ayaa waxaa uu ka kacay Guryo ku yaalla Xaafad ka tirsan Boosaaso ayna daganaayeen qoysas Danyar ah, waxaana dabka uu socday muddo lagu guuleystay damintiisa.
Dadka deegaanka Magaalada ayaa soo weriyay in Dabkaas ay ku geeriyoodeen Afar Caruur ah oo saddex kamid ah ay yihiin walaalo, waxaana halkaas ku baaba’ay Guryo iyo hal gaari oo nooca raaxada ah, sida lagu arkay Sawirro goobta laga soo qaaday.
Sidoo kale Goobta ayaa waxaa tegay gaadiidka dab demiska Maamulka dowladda Hoose ee Boosaaso iyo daweyne badan, iyagoo ugu dambeyntii ku guuleystay deminta dabkii ka kacay Guryihii ay deganaayeen Qoysaka danyarta ahaa.
Weli lama soo sheegin Khasaaro dhaawacyo ah oo ka dhashay dabkaas, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Magaalada Boosaaso oo ay ugu hadlayaan dabkaas.