Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka horyimid baaqii Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ee ahaa in xiligaan Doorasho qof iyo Cod aysan ka dhicin dalka, loona baahan yahay in la aado Doorasho dadban.
Guddoomiye Maxamed Mursal oo ka hadlaayay Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin meel ay ku qoran tahay in xiligaan la aado Doorasho dadban.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka in wixii shuruuc ah ee la xiriira Doorashada dalka Soomaaliya lagu aadi lahaa ay awood u leeyihiin Baarlamaanka, isla markaana Arrimaha Doorashada aysan shaqo ku laheyn Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
“Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Hadalka Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Madaxda M/Goboleedyada oo dhawaan Shir ku yeeshay Dhuusamareeb ay isku raaceen in xiligaan dalka aysan ka dhici karin Doorasho qof iyo Cod, isla markaana ay doonayan in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, iyagoo ka digay in muddo kororsi la sameeyo.